Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa afhayeenkiisa u magacaabay wasiir dowle, sida lagu sheegay digreeto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha maanta oo Khamiis ah.
Afhayeenka madaxweynaha Cabdullaahi Maxamed Jaamac oo loo yaqaan Quraan-jacel ayaa noqonaya wasiir dowlaha cusub ee madaxtooyada iyo xiriirka golayaasha.
Quraan-jacel ayaa soo noqday xildhibaan xilligii maamulkii Madaxweyne Faroole.
Be the first to comment