Madaxweynaha Cabdiweli oo kormeeray shaqooyinka wasaaradaha iyo haayadaha dowliga ah ee Puntland iyadoo musuq-maasuq balaaran jiro

kormeer
Madaxweyne Cabdiweli oo kormeeraya haweenay kamid ah shaqaalaha dowlada. Sawirka: Xafiiska warfaafinta madaxtooyada Puntland.

Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta oo Sabti ah kormeer ku sameeyay qaybo kamid ah wasaaradaha Puntland iyo haayadaha dowliga ah.

Wasaaradaha iyo haayadaha dowliga ee uu kormeeray madaxweynaha ayaa waxaa kamid ahaa, Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah, Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Wasaaradda Aminga iyo DDR, Wasaaradda Maaliyadda, Hanti dhawrka guud, Haayadda Qandaraasyada Puntland iyo xarunta guriga Gobolka Nugaal oo uu ka socdey dhisme iyo dib u dayactir ah.

Cabdiweli ayaa markii uu kormeerayay xarumahaas dowlada waxaa uu kula kulmay masuuliyiinta iyo shaqaalaha oo ku guda jiray shaqooyinka ay qabtaan.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska warbaahinta madaxtooyada Puntland, kormeerka madaxweynaha ayaa ku saabsanaa sidii uu wax uga ogaan lahaa qaabka ay u socdaan shaqooyinka maalin laha ah ee xarumahaas iyo qaabka ay bulshada ugu adeegayaan.

Taxliilin

Madaxweyne Cabdiweli ayaa waxaa dhowr bil ay uga harsantahay saddex sanno oo uu madaxweynaha Puntland ka yahay.

Gobolka ayaa wajahaya dhaqaale xumo, shaqo la’aan iyo musuq-maasuq baahsan, iyadoo madaxweynaha hadda jooga uu horey u balanqaaday in uu wax ka qaban doono arrimaha ay kamidyihiin musuq-maasuqa oo ragaadiyay maamulka 18-sanno jirsaday.

Shaqo la’aan weyn ayaa gobolka ka jirta iyadoo dhalinyarada waxbaratay ay guryaha iyo meherdaha far-fardhiyaan, shaqooyinka haayadaha dowlada iyo NGO-yada ayaa waxaa hareeyay musuq balaaran.

Amaanka guud ayaa aad u wanaagsan marka laga tago qaraxyo iyo dilal mar-mar ka dhaca magaalooyinka waa-weyn ee Puntland.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*