Al-Shabaab oo nabadoon ku dishay magaalada Beled Xaawo

Muuqa kore ee magaalada Beled Xaawo. [Sawir Hore]
Beled Xaawo-(Puntland Mirror) Al-Shabaab ayaa weerar ay ku qaaday magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo ku dishay nabadoon caan ka ah halkaas, sida ay sheegeen ilo-wareedyo deegaanka ah.

Weerarka oo xalay saq dhexe ka dhacay Beled Xaawo ayaa maleeshiyada Al-Shabaab ay nabadoonka ka kaxaysteen gurigiisa kahor inta aysan dilin.

Nabadoonka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Dhaqane Qaasim Aamiin oo kamid ah ah nabadoona aadka looga yaqiin deegaanka.

Ilo-wareedyada ayaa intaas ku daray in labo wiil oo nabadoonku dhalay ay Al-Shabaab la ka xaysteen balse ay iyaga dib ka sii daayeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*