Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu Garacad uga qeybgalo munaasabada dhagax dhiga dekad la qorsheeyay in laga dhiso halkaas.
Raysulwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo safar ku jooga Garoowe, ayaa la filayay in uu ka qeybgalo dhagax dhiga dekada Garacad balse waa u ka baaqday sababo aan la ogeyn dartood, sida ilo-wareedyo xog ogaal ah u xaqiijiyeen Puntland Mirror.