Dad shacab ah oo dilay taliyihii Al-Shabaab ee deegaanka Ceel-garas oo kuyaala gobolka Galgaduud

alshabab
Maleeshiyada hubaysan ee Al-Shabaab.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Dadka deegaanka Ceel-garas oo hoostagta degmada Ceel-buur ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa xalay oo Arbaco ahayd dilay taliyihii kooxda Al-Shabaab ee deegaanka Ceel-garas, sida ay sheegayaan wararka.

Taliyaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Faarax Cali Raage. Waxaana uu Al-Shabaab u qaabilsanaa deegaanka Ceel-garas.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambaysa dilka sarkaalka Al-Shabaab, balse wararka ayaa sheegaya in dadka deegaanka ay ka xanaaqeen lacago madax-furasho ah oo taliyaha la dilay uu weydiistay wiil dadka deegaanka ah oo uu maxbuus ahaan u haystay.

Maleeshiyada Al-Shabaab wali kama aysan hadlin dilka taliyahoodii deegaanka Ceel-garas.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*