Mooshinkii laga keenay Jawaari oo fashilmay

Jawaari iyo ku xigeenadiisa. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Mooshinkii laga keenay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa fashilmay maanta oo Arbaco ah kadib markii xubnihii la rabay in uu ku ansaxo mooshinku ay dhammeystirmi waayeen, sida xildhibaano katirsan baarlamaanka ay warbaahinta u sheegeen.

Xildhibaanada mooshinka soo gudbiyay oo markii hore gaarayay 107 xubnood ayaa 16 kamid ah ay ka noqdeen go’aankooda, taasoo keentay in tiradii la rabay ay dhammeystirmi weyday.

92 xildhibaan ayaa la rabay in ay saxiixdo sida uu dastuurku qabo balse tirada xildhibaanada ayaa noqotay 91, mooshinka ayaana sidaas ku fashilmay, sida ay sheegeen xildhibaanadu.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*