Kufsiyo ka dhacay xerada barakacayaasha Shabeelle oo kutaala magaalada Garoowe

Xerada barakacayaasha Shabeelle ee Garoowe.. [Sawirka Archive]
Gaorowe-(Puntland Mirror) Kiisas kufsi ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhaceen xero ay ku noolyihiin barakacayaal oo kutaala gudaha magaalada Garoowe.

Sida ay sheegeen ilo-wareedyadu, kufsigii ugu dambeeyay ayaa ka dhacay xerada barakacaayasha Shabeelle habeenimadii Isniinta.

Wareysi uu siiyay idaacada Radio Daljir, guddoomiyaha xerada barakacaayasha Shabeelle Maxamed Cabdiqani Xaaji ayaa sheegay in niman aan la garanayn ay kufsadeen gabar 25-jir ah oo uur leh.

“Gabadha oo da’deedu tahay ilaa 25-jir oo uur leh ayaa la jiiftay ninkeeda markii niman aan la aqoon ay soo weerareen gurigeeda oo kuyaala xerada,” ayuu yiri Maxamed.

“Gabdha ninkeeda ayaa qori lagu qabtay kahor intaan iyada loo jiidan meel kamid ah xerarda halkaas oo uu ku dhacay falka kufsiga ah ee loo geystay gabadha.” Ayuu ku sii daray.

Kadib kufsashada foosha xun, gabadha dhibanaha ah ayaa la geeyay isbitaalka si loogu daaweeyo, sida uu sheegay guddoomiyuhu.

Shabeelle waa mid kamid ah xeerooyinka barakacaayasha kuyaala Garoowe, kaasoo hoy u ah boqolaal dad ah oo badankood ka yimid koonfurta Soomaaliya.

Warsidaha Puntland Mirror ayaa la xiriiray saraakiisha booliiska Garoowe si ay uga hadlaan haddii ay jiraan dad loo xiray kiiska, balse waxay sheegeen in baaritaan uu socdo.

Gudaha Puntland, tirada kufsiga oo ay booliisku diiwangasheen ayaa korodhay intii lagu guda jiray sanadihii lasoo dhaafay, sida ay sheegeen shaqaalaha xuquuqul iinsaanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*