Muqdisho-(Puntland Mirror) Shirkii ka socday Muqdisho oo u dhaxeeyay hoggaamiyaasha siyaasada Soomaaliya ayaa ku dhamadaay heshiis la’aan maanta oo Axad ah.
Sida ay sheegayaan wararka, madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa isaga baxay shirka kadib markii madaxweynaha Soomaaliya oo wakhtigiisa dhamaaday Xasan Shiikh Maxamuud uu soo jeediyay in dhismaha aqalka sare meesha laga saaro.
Wixii warar ah oo soo kordha dib baan idiin kasoo gudbin doonaa.