Dadka Soomaaliyeed oo u diyaargaroobaya bisha Ramadaan

Haween ka adeeganaya suuq yar oo kuyaala gudaha Garoowe iyada oo ay soo aadantahay bisha barakaysan ee Ramadaan. [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka qaybihiisa kala duwan ayaa u diyaargaroobaya bisha barakaysan ee Ramadaan.

Dadka ayaa iibsanaya noocyada kala duwan ee cunada si ay ugu afuraan halka suuqayada ay buux dhaafiyeen cunnooyinka Ramadaanta la isticmaalo oo ay kamidyihiin khudrada sida qaraha, mooska, cambaha iyo liinta.

Gudaha magaalada Garoowe, sicirka caanaha iyo khudaarta ayaa kor u kacay, sida ay sheegeen ganacsatadu.

Ganacsatada ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in kor u kaca ay sababtay abaartii dhawayd taasoo ku dhufatay dalka oo dhan, iyada oo baabi’isay xoolihii iyo beerihii.

Ramadaan waa bisha sagaalaad ee jadwalka taariikhda Islaamka markaas oo ay Muslimiinta ku nool caalamka oo dhan ay soomaan laga bilaabo ooga hore ilaa aasku ka madoobaado.

Bisha barakaysan ayaa la filayaa in ay bilaabato maalinta Sabtida oo ay taariikhda miilaadiga ku beegantahay 27-da May.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*