Shirkado balanqaaday in $464 milyan oo maalgashi ah ay ka samaynayaan Puntland

Madaxweyne Deni oo soo xirayay shirka, September 17, 2019, Garoowe. [Isha Sawirka: Facebook]
Garoowe-(Puntland Mirror) Shirkii maalgashiga Puntland ayaa magaalada caasimada ah ee Garoowe lagu soo gabogabeeyay gelinkii dambe maanta oo Talaado ah, iyadoo shirkado ay balanqaadeen maalgelin dhan $464 milyan oo dollar.

Shirkadaha balanqaaday maalgashiga ayaa waxaa kamid ah shirkada baabuurta samaysa ee laga leeyahay Koonfur Kuuriya ee Hyundai, Wadaagsin oo gacanta ku haysa dhismaha dekada Garacad, Dahabshiil iyo Golis, sida uu sheegay madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Shirka maalgashiga Puntland oo ahaa kii ugu horeeyay abid ayaa waxaa ka soo qeybgalay maalgashadayaal Soomaali iyo ajaaniib ah oo ka yimid dalka iyo dibada.

Puntland oo kutaala Gacanka Cadan ee Badda Cas, ayaa noqotay maamul goboleed sanadkii 1998 waxayna ka badbaaday colaadihii sokeeye ee ka dhacay Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*