60 dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn uu Mareykanku ka geystay deegaanka Xaradheere ee gobolka Mudug

Sawirka: Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in ay qaadeen duqeyntoodii ugu dhimashada badnayd ee ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab muddo ku dhow sanad, sida ay Mareykanku ku sheegeen bayaan maanta oo Talaado ah.

Duqeynta oo Jimcadii ka dhacday deegaanka Xaradheere ee gobolka Mudug, waxaa lagu dilay ku dhawaad 60 dagaalyahan.

Mareykanka ayaa bayaankooda ku sheegay in dadka rayidka ah aysan wax dhibaato ah kasoo gaarin duqeynta oo ahayd tii ugu weynayd tan iyo bishii November 2017, markaas oo 100 dagaalyahan oo Al-Shabaab ah lagu dilay duqeyn ka dhacday Soomaaliya.

Mareykanka ayaa qaaday duqeymo ka badan labaatan sanadkan oo ka dhan ahaa maleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugan Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*