Dhaqaalaha ayaa maamulka shirkada Golis waxa ay ku wareejiyeen guddiga culimada ee gurmadka aabaraha Puntland.
Guddiga culimada ee gurmadka abaaraha Puntland ayaa shirkada Golis uga mahadceshay dhaqaalaha ay ugu deeqeen wax ka qabashada abaaraha.
Munaasabada dhaqaale wareejinta oo ka dhacday magaalada Boosaaso ayaa waxaa ka qaybgalay maamulka shirkada Golis oo ay kamid ahaayeen mareeyaha Golis Sciid Aadan Gaws iyo guddoomiye ku xigeenka guddiga boorka Luqmaan Maxamuud Axmed. Dhanka culimada waxaa kamid ahaa Shiikh Daahir Aw-cabdi, Shiikh Axmed Daahir Xasan Xuseen, Shiikh Axmed Yuusuf Daad iyo Shiikh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur oo ah guddoomiyaha guddiga gurmadka culimada ee abaaraha Puntland.
Ku dhawaad 1.5 milyan oo reer guuraa ah ayay saameysay abaarta ku dhufatay gobolada Puntland.
Shirkada Golis waa shirkada isgaarsineed ee ugu weyn Puntland, qiyaastii 3 milyan dad ka badan ayaa isticmaala adeegyada shirkada.