Shirka wadatashiga Puntland oo galay maalintiisii labaad

Masuuliyiinta sare ee dowladda Puntland. [Isha Sawirka: Puntland State TV]
Garoowe-(Puntland Mirror) Shirka wadatashiga Puntland oo ka socda magaalada Garoowe ayaa galay maalintiisii labaad.

Maalintii kowaad ee shirka ayaa lagu soo bandhigay khudbado ay soo jeediyeen ka soo qeybgalayaasha.

Shirka ayaa la sheegay in looga arrinsan doono waxyaabo badan oo masiiri ah sida arrimaha gudaha Puntland iyo arrimaha Puntland kala dhaxeeya Soomaaliya inteeda kale.

Shirkan ayaa waxaa iclaamiyay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni bishii Febaraayo ee sanadkan 2020.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*