Shirka wadatashiga Puntland oo ka furmay Garoowe

Shirka wadatashiga Puntland. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Shirka wadatashiga Puntland ayaa maanta oo Axad ah ka furmay magaalada Garoowe ee caasimada dowladda Puntland.

Waxaa shirka ka qeybgalay masuuliyiinta dowladda Puntland oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni, odayaasha dhaqanka, masuuliyiin isugu jira wasiiro iyo xildhibaano Puntland u matala Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo xubno ka socday bulshada rayidka ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabriraxmaan Dhabancad oo warbaahinta dowladda la hadlay ayaa sheegay in shirka looga arrinsan doono waxyaabo badan oo masiiri ah sida arrimaha gudaha Puntland iyo arrimaha Puntland kala dhaxeeya Soomaaliya inteeda kale.

Shirkan ayaa waxaa iclaamiyay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni bishii Febaraayo ee sanadkan 2020.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*