Muqdisho-(Puntland Mirror) Hoggaamiyaasha dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ayaa la filayaa in ay kulankoodii ugu horeeyay ku yeeshaan magaalada Muqdisho tan iyo markii la doortay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo bishii Febaraayo ee sandkan, ilo-wareedyo ayaa xaqiijiyay.
Labadii maalmood ee lasoo dhaafay, Madaxweynayaasha maamul goboleedyada ayaa tagay magaalada Muqdisho si ay uga qaybgalaan kulanka, kaasoo la filayo in uu dhaco maalinta Sabtida ah, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.
Kulanka ayaa la rajaynayaa in looga hadlo xaaladaha abaarta ee dalka ka jirta si lamid ah arrimaha ammaanka iyo xiriirka u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada.
Sidoo kale inta uu kulanku socdo, hoggaamiyaasha ayaa ka wadahadli doona shir-weyne quseeya Soomaaliya, kaasoo 11-ka bisha May ee sanadkan lagu qaban doono gudaha London, oo ay martigelisay Boqortooyada Ingiriisku.