Qaraxa wadada dhinaceeda la dhigo oo lala beegsaday gaariga guddoomiyaha gobolka Bari

Guddoomiyaha gobolka Bari, Yuusuf Maxamed Wacays. [Sawir Hore]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Qaraxa wadada dhinaceeda la dhigo ayaa lala beegsaday gaariga guddoomiyaha gobolka Bari.

Sida ilo-wareedyo katirsan haayadaha ammaanka ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror, qaraxa ayaa saakay oo Arbaco ah lala eegtay gaariga guddoomiyaha gobolka Bari xilli uu marayay gudaha magaalada Boosaaso.

Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays oo loo yaqaan “Dhedo” ayaan gaariga la socon marka qaraxu dhacay.

Ilaalada guddoomiyaha oo saarnaa gaariga oo niiciisa lagu sheegay Toyota Hilux, ayaa khasaare kasoo gaaray qaraxaas, ilo-wareedka ayaa intaas ku daray.

Ma jirto cid si dhaqso ah u sheegatay masuuliyada weerarkaas, balse xagjiriinta Al-Shabaab iyo ISIS ayaa weeraro kan lamid ah horey uga geysatay magaalada Boosaaso, ee xarunta ganacsiga Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*