Ciidamadda badda Shiinaha oo saddex burcadbadeed ah ku wareejiyay Puntland

Ciidamadda badda Shiinaha oo saddex burcadbadeed ah ku wareejiyay Puntland.[Xigsahada Sawirka: Abdiqani Hassan/Reuters]
Garoowe-(Puntland Mirror) Markab uu Shiinuhu leeyahay ayaa saddex nin oo burcadbadeed looga shaki qabo ku wareejiyay haayadaha dowladda ee Puntland shalay oo Jimce ahayd, sida ay ku warantay wakaalada wararka Reuters oo soo xiganaysa saraakiil katirsan ciidamada badda Puntland ee PMPF.

Burcadbadeeda ayaa ku lug lahayd iskuday afduubasho oo bartamihii bishii lasoo dhaafay ee April lala beegsaday markab la dhaho OS35 oo badeecad waday kuna gooshayay calanka jasiirada Tuvalu kaasoo markii dambe ay badbaadsheen ciidamada badda Shiinaha kadib markii shaqaalaha markabka saarnaa ay codsadeen in loo gurmado.

Taliye ku xigeenka ciidamada badda Puntland ee PMPF, Siciid Axmed Siciid ayaa Reuters u sheegay in markabka Shiinuhu uu ku wareejiyay Puntland saddex burcadbadeed ah.

Waxa uu intaas ku daray in burcadbadeeda lagu wareejiyay Puntland uu kamidyahay hoggaamiye burcadbadeed oo la dhaho Aw Kombe.

Asbuucyadii lasoo dhaafay, burcadbadeeda Soomaaliya ayaa kordhiyay weeraradooda ka dhanka ah maraakiibta ganacsi ee gooshaysa biyaha Soomaaliya.

Dhawaan, iyaga oo la hadlayay warbaahinta gudaha qayb kamid ah kalluumaysatada ayaa ku goodiyay in ay hubka qaadan doonaan mar labaad kuna noqon doonaan burcadbadeednimada si ay ula diriraan waxay ugu yeereen “maraakiibta jariifka ee ajaaniibta ah”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*