RW Soomaaliya oo sheegay in dowladda ay qorshaynaso qaadista howlgal ballaaran oo ka dhan ah kooxaha argagixisada

Raysulwasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Bare.[Isha Sawirka: Xafiiska Raysulwasaaraha]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Bare ayaa sheegay in dowladda federaalka ay qorshaynayso qaadista howlgal ballaaran oo ka dhan ah kooxaha argagixisada.

“Waxaa naga go’an in aan qaadno dagaal xoogan isla markaana baahsan oo aanu kaga hortagayno Al-Shabaab, ISIS iyo ururada kale ee argagixisada ah,” ayuu ka sheegay shir amniga looga hadlayay maanta oo Arbaco ah ka dhacay Muqdisho.

Xamsa oo bartamihii bishii June uu madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud u magacaabay raysulwasaare ayaan weli soo dhisin xukumaadiisii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*