Wariye Cumar Cumar Dheere oo lagu xiray magaalada Boosaaso

Wariye Cumar Maxamed. [Sawirka: Facebook/omarmohamed]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Wariye Cumar Siciid Maxamed oo loo yaqaan Cumar Dheere ayaa lagu xiray magaalada Boosaaso, sida ay ku warantay mareegta Horseed Media oo uu katirsanyahay.

Lama yaqaan sababta loo xiray wariyaha, balse Horseed Media oo soo xiganaysa maxbuus Cumar Dheere ayaa sheegtay in xarigiisa uu ka dambeeyo guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo.

Maahan markii ugu horeysay oo la xiro Cumar. Bishii Agoosto ee sanadkan ayaa ciidamada ammaanka Puntland ay ku xireen magaalada Garoowe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*