Qof kamid ahaa ergada doorashada aqalka hoose oo lagu toogtay xarunta ay doorashada ka dhacayso ee magaalada Cadaado

Xarunta lagu dooranayo xildhibaanada. [Sawirka: Archive]
Xarunta lagu dooranayo xildhibaanada. [Sawirka: Archive]
Cadaado-(Puntland Mirror) Mid kamid ah ergada ka qaybgalaysay doorashada xildhibaanada maamulka Galmudug u matali doona dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu toogtay magaalada Cadaado ee xarunta maamulkaas, sida ay sheegayaan ilo-wareedyada.

Toogashada oo dhacday maanta oo Arbaco ah ayaa timid kadib markii uu muran ku dhexmaray xarunta doorashada lagu hayo ninka dhintay iyo dad kale, sida ay wararka sheegayaan.

Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Caraale Dibad .

Maamulka Galmudug wali kama uusan hadlin dhacdadaas.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*