Qarax gaari oo laga cabsi qabo khasaaro badan oo ka dhacay Muqdisho

Sawiro laga soo qaaday qaraxa ayaa muujinaya burburan weyn iyo qiiq uu keenay qaraxu. [Isha Sawirka: Facebook]
Muqdisho-(Puntland Mirror)  Qarax laga soo buuxshay walxaha qarxa ayaa lala beegsaday xarun ay booliiska ku uruuriyaan canshuuraha oo kutaala gudaha Muqdisho saakay oo Sabti ah.

Qaraxa ayaa laga cabsi qabaa in uu dhaliyay khasaaro badan sababtoo ah waxaa uu ka dhacay goob mashquul badan xilli ay dadku ku mashquulsanaayeen noloshooda maalmaha ah.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada qaraxa, balse xagjiriinta Al-Shabaab ayaa weeraro kan lamid ah ka geystay gudaha caasimada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*