
Karachi-(Puntland Mirror) Qof bumbo isku soo xiray oo is-qarxiyay ayaa dilay ugu yaraan 23 qof tobonaan kalena waa uu dhaawacay xilli ay dadka ku tuganayeen masaajid kuyaala deegaan beeleed kuyaala waqooyiga-galbeed ee dalka Pakistan, sida ay sheegeen wararka.
Qaraxa ayaa ka dhacay maanta oo Jimce ah tuulada Anbar Tehsil oo kutaala deegaan beeleedka Mohamand oo ku dhow xadka u dhaxeeya wadamada Pakistan iyo Afghanistan halkaas oo kooxda Talibaan ay kula dagaalamayso ciidamada dowlada.
Ma jirto cid si dhaqso ah u sheegatay masuuliyada weerarkaas, balse Taalibaanta ka dagaalanta Pakistan ayaa weeraro joogto ah ku qaada meelaha sida maxkamadaha, iskuulada iyo masaajida.