Merkel: Islaamku maahan isha argagixisada

Hoggaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel. [Xigashada Sawirka: Anadolu]
Hoggaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel. [Xigashada Sawirka: Anadolu]
Munich-(Puntland Mirror) Hoggaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel ayaa sheegtay in Islaamku uusan ahayn isha argagixisada arrintaasna lagala kaashado dowladaha waa-weyn ee Muslimka ah ee dagaalka kula jira argagixisada.

Merkel, ayaa khatar ka muujisay isku dayga uu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ku mamnuucay dadka ka imaanaya todobo dal oo Muslimiin ah, iyada oo maanta oo Sabti ah ka hadlaysay shirka ammaanka ee Munich, oo madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence uu kamid ahaa masuuliyiinta shirka ka qeybgalay.

“Waxaan u malayn, wadamadaas, kuwa kowaad iyo kuwa hoggaaminaya in la siiyo taageero. Sababtoo ah jidkan kaliya ayaa awood inoo siinaya si aan uga dhaadhicino dadka in aysan Islaam ahayn kuwa ah isha argagixisada ah. Balse si khaldan u famay Islaamka,” ayay tiri.

“Waxaan filayaa in haayadaha diinta Islaamka ay si weyn uga hadlaan si looga hortago kuwa sida xun u fahmay Islaamka ee argagixisada ah,” ayay ku dartay Merkel.

Ugu dambayn Angela Merkel ayaa carabka ku adkaysay in dalka Jarmalka iyo Midowga Yurub ay wadamada Muslimiinta ah kala shaqeyn doonaan sidii loola dagaalami lahaa ururada argagixisada ee ku qaraabta magaca Islaamka.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*