Qaramada Midoobay oo sheegtay in 2,000 shacab ah lagu dilay gudaha Soomaaliya muddo labo sano gudahood ah

Sawirka: Dad sida meydka qof ku dhintay qarax ka dhacay Muqdisho.

Muqdisho-(Puntand Mirror) Ugu yaraan 2,000 shacab ah ayaa lagu dilay gudaha Soomaaliya mudadii u dhaxaysay Janaayo 2016 ilaa iyo Oktoobar 2017, sida lagu sheegay warbxin ay sii daysay Qaramada Midoobay maanta oo Axad ah.

Warbixinta oo ciwaan looga dhigay Difaacida Shacabka waa Dhismaha Asaaska Nabada, Ammaanka iyo Xuquuqul Aadmaha Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in 2,078 qof la diay sidoo kalena 2,507 ay dhaawacmeen, khasaaraha ugu badan ee dhimashada iyo dhaawaca ayaa waxaa ka masuul ah maleeshiyada Al-Shabaab, sida lagu xusay warbixinta.

Gobolka Banaadir ayaa khasaaraha ugu badan ka dhacay, sida warbixinta lagu xusay, sidoo kale  Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Hir-Shabeelle ayaa khasaare ka dhacay, Somaliland ayaa khasaaraha ugu yar ka dhacay, sida ay warbixintu muujinayso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*