Shir ay hoggaaminayso Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka dhici doona gudaha magaalada Garoowe

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa. [Sawirka: Facebook]
Garoowe-(Puntland Mirror) Shir ay hoggaaminayso Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhici doona gudaha magaalada Garoowe horaanta bisha soo socota ee September, sida ay ilo-wareedyo xog ogaal ah ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Shirka ayaa looga xaajoon doonaa howlaha dowladdaha hoose ee dalka ka jira, sida ay ilowareedku sheegeen.

Wasiiradda Arrimaha Gudaha ee dowlad goboleedyada iyo si lamid ah duqa Muqdisho iyo wakiilo ka socda Qaramada Midoobay iyo haayadaha aan dowliga ahayn ayaa ka qaybgali doona shirka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*