Qaramada Midoobay oo ka digtay in Soomaaaliya ay gaajo halis ugu jirto iyadoo ay sii xumaanayso abaartu

Xiriiriyaha arrimaha insaanimada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Peter De Clercq. [Lahaanshaha Sawirka: AFP]
Xiriiriyaha arrimaha insaanimada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Peter De Clercq. [Lahaanshaha Sawirka: AFP]
Nairobi-(Puntland Mirror) Soomaaliya ayaa khatar ugu jirta in ay dib ugu dhacdo gaajo, Qaramada Midoobay ayaa shalay oo Talaado ahayd sheegtay iyada oo abaartu sii xumaanayso in malaayiin dad ah aysan haysan cuno, biyo iyo daryeel caafimaad.

Shan milyan oo Soomaaali ah, ayaan haysan cuno ku filan sababtoo ah roob la’aan iyo dagaalada u dhaxeeya maleeshiyada Al-Shabaab iyo ciidamada Soomaaliya oo ay taageerayaan Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Gaajadii ugu dambeysay waxay dalka ku dhufutay sanadkii 2011-kii, iyada oo dishay 260,000 qof, waxaana sababay abaar iyo maleeshiyada Al-Shabaab oo haaydaha gargaarka ka mamnuucay deegaanada ay haysteen oo ay abaartu saamaysay.

“Xaalada insaanimo waa mid haysata malaayiin Soomaali ah,” sidaa waxaa bayaan ku yiri xiriiriyaha arrimaha insaanimada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Peter De Clercq.

“Waxaanu wajahnay in yar balse waa ay kordhayaan tirada dadka baahan, intooda badana waa mid ay xaaladoodu sii noqonayso gaajo.” Ayuu ku daray.

De Clercq ayaa codsaday dhaqaale dhan $864 milyan si deg deg loogu caawiyo 3.9 miyan oo dad ah.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*