Mareykanka oo dhawaan xarun diblomaasiyadeed oo joogto ah ku yeelan doona gudaha Soomaaliya

Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Stephen Schwartz. [Xigashada Sawirka: Radio Muqdisho]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in Mareykanku uu markale diblomaasiyad joogto ah uu ku yeelan doono gudaha Soomaaliya kadib marka la furo xafiisyadiisa gudaha Muqdisho dabayaaqada sanadkan.

Safaaraddii Mareykanka ee Soomaaliya ayaa la xiray sanadkii 1991-dii kadib markii dalku uu galay dagaal sokeeye.

Safar uu xoghayihii hore ee Arrimaha Dibada Mareykanka John Kerry ku yimid Muqdisho sanadkii 2015-kii, waxa uu sheegay in Mareykanku uu bilaabi doono hanaanka dib u dhisida xarunta Soomaaliya.

Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Stephen Schwartz, oo ah safiirkii kowaad ee Mareykanku u soo magacaabo Soomaaliya ku dhawaad muddo 20-sanno ah, ayaa sheegay in dabayaaqada bisha Oktoobar ee sanadkan la furi doono xarunta Mareykanka ee gudaha Muqdisho, sida uu ku sheegay wareysi uu siiyay idaacada dowladda ee Radio Muqdisho asbuucaan.

Safiirka ayaa sheegay in Mareykanku sidoo kale uu maalgelin doono dhismaha safaarad cusub, balse ma uusan sheegin wakhtiga.

Xarunta Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa hadda fadhigeedu yahay gudaha magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*