Puntland oo soo dhaweysay ku dhawaad 758 qof oo Somaliland ay kasoo masaafurisay Laascaano

Gaari sida dadka Laascaano laga soo masaafuriyay.[Isha Sawirka: Facebook]
Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa soo dhaweysay ku dhawaad 758 qof oo Somaliland ay kasoo masaafurisay magaalada Laascaano, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Puntland.

“Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay bannaanka magaalada Gaalkacyo ku soo dhaweysay dad Soomaaliyeed oo gaaraya 758, dadkaan oo isugu jira haween, caruur iyo rag intaba ayaa 2 October 2021 waxaa maamulka Somaliland ka soo saareen Laascaanood.” Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sidaas ku yiri boggiisa Twitter-ka.

Maamulka Somaliland ayaa Sabtidii si khasab ah magaalada Laascaano uga masaafurisay muwaadiniin Soomaaliyeed oo badankood ka ay ka soo jeedaan koonfurta Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*