Wasiirkii Amniga Galmudug oo is-casilay kadib markii ay Qoor-Qoor isku fahmi waayeen arrinta Ahlu Sunna Walj-amaaca

Wasiirka Amniga maamul goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi . [Sawir Hore]
Dhuusamareeb-(Puntland Mirror) Wasiirka Amniga maamul goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa is-casilaadiisa u gudbiyay Madaxweyne Qoor-qoor, sida uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay boggiisa Facebook-ka galabta oo Khamiis ah.

Waxa uu ku sababeeyay iscasilaadiisa kala duwanaansho isaga iyo madaxweynaha Galmudug u dhaxeysa oo ku saabsan khilaafka Ahlu Sunna Walj-amaaca, oo uu sheegay in ciidamo laga keenay Muqdisho la rabo in loo adeegsado dagaal ka dhan ah Ahlu Sunna Walj-amaaca.

“Maantay waxaan madaxweynaha Galmudug u gudbiyey iska casilaadaydii xilka wasiirka amniga Galmudug, ka dib markii aan isla fahmi weynay qaabka loo wajahayo khilaafka isaga iyo Ahlu Sunna Walj-amaaca u dhexeeya, ee uu asagu doortay wadada dagaalka iyo colaad Galmudug ku reebaysa mahadhooyin danbe, asagoo adeegsanaya ciidamo Muqdisho laga soo daadgureeyey kuwaasoo wax talo ah mas’uuliyiinta Galmudug ama wasaaradda amnigu aysan ku lahayn,” ayuu yiri.

Waxa uu ku sii daray: “Waxa aan u soo jeediyey wadada wadahadalka iyo dagaal la’aantu in ay ka sahlan tahay, ka dhib yar tahay, kana guul badan tahay middaas iyo sidoo kale in argagixisada Shabaab la dagaalankooda aan xoogga saarno una jihayno gulufka socda dhankooda.”

Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo ay socoto isku diyaarin dagaal oo u dhaxeeya Galmudug iyo Ahlu Sunna Walj-amaaca ladib markii maleeshiyaad taageersan Ahlu Sunna Walj-amaaca ay la wareegeen magaalada Guriceel horaantii asbuucaan.

Fiqi ayaa intii uu xafiiska joogay dagaal adag la galay maleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugan gobolada Dhexe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*