Kiiska Ikraan Tahliil oo khilaaf ka dhex abuuray masuuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya

Farmaajo iyo Rooble. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Kiiska shaqaalaha NISA ee la waayay Ikraan Tahliil ayaa khilaaf ka dhex abuuray masuuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xalay, Raysulwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqo joojin ku sameeyay agaasimaha haayada nabadsugida NISA Fahad Yaasiin, isaga oo magacaabay agaasime cusub, balse Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qaadacay arrintaas.

Raysulwasaaraha ayaa Sabtidii Fahad Yaasiin u qabtay 48-saac in uu ku keeno warbixin buuxda oo la xiriirta kiiska Ikraan Tahliil.

Bayaan kasoo baxay Fahad Yaasiin fiidnimadii Axada ayuu ku sheegay in faahfaahinta kiiska Ikraan Tahliil uu ku soo bandhigi doono shirka golaha amniga qaranka oo uu sheegay in madaxweyne Farmaajo oo golahaas guddoomiye u ah uu u diray codsi qabsoomida shirkaas.

Ikraan Tahliil oo ahayd gabar shaqaale ah oo katiran NISA ayaa la waayay dabayaaqadii bishii June 2021.

Asbuucii lasoo dhaafay, NISA ayaa bayaan ay soo saaraty oo lagu faafiyay warbaahinta dowladda ku sheegtay in Ikraan Tahliil ay dishay maleeshiyada Al-Shabaab, balse maleeshiyada ayaa qaadacday in ay iyagu ka dambeeyeen dilkaas, sida ay baahiyeen warbaahintoodu.

Fahad Yaasiin, oo ah wariye hore, ayna saaxiib dhow yihiin Farmaajo, ayaa bishii Agoosto 2019 uu madaxweyne Farmaajo u magacaabay agaasimaha NISA.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*