“Cabashooyin badan baa ka imaanaya ninkan Rusheeye la leeyahay, waa lagu howlanyahay howshiisa, waxaan rajaynaynaa waxyaabaha uu Puntland ka wado aysan dib dambe u dhici doonin,” ayuu yiri wasiir Cawil Shiikh Xaamud.
Waxa uu intaas ku daray: “dadkan laguma marin habaabin karo lagumana duufsan karo wax shareecada Islaamka ka soo horjeeda.”
Dhawaan waxaa baraha bulshada wareegayay muuqaal uu Shiikh Rusheeye ku sheegayo in uu daaweynayo dadka uu ku dhaco xanuunka coronavirus. Waxaana uu muuqaalka ku sheegay haddii qofka loo keeno uu ka dawoobi waayo xanuunka in isaga madax xabad lagaga dhufto.