20 kiis oo cusub oo coronavirus ah oo laga helay Soomaaliya, iyo dhimashada oo gaartay shan qof

Baaritaanka coronavirus.

Muqdisho-(Puntland Mirror) 20 kiis oo cusub oo coronavirus ah ayaa laga helay Soomaaliya 24 saac ee lasoo dhaafay, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in saddex qof ay xanuunka u geeriyoodeen 24-saac ee u dambeeyay.

Tirada guud ee COVID-19 ee la diiwaangeliyay gudaha Soomaaliya waa 80 qof, halka dhimashadu gaartay shan, labo qofna ay ka bogsadeen, sida ku cad xogta Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya iyo WHO.

16-kii Maarso, ayay ahayd markii ugu horeysay oo Soomaaliya xaqiijisay kiiskeedii ugu horeeyay ee coronavirus. Bil gudaheed, waxaa muuqata in xanuunka uu si tartiib-tartiib ah uu ugu faafayo dalka, kaasoo daryeelka caafimaadkiisu uu liito kadib burbur socda ku dhawaad 30 sanno.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*