Puntland oo sheegtay in ay $1 milyan ka heshay Dowladda Federaalka Soomaaliya si loogu caawiyo Qardho

Wasiirka Maaliyada Dowladda Puntland Xasan Shire Cabdi. [Sawir Hore]
Qardho-(Puntland Mirror) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hal milyan oo dollar ugu deeqday dadaalada loogu gurmanayo magaalada ay fatahaaduhu ku dhufteen ee Qardho.

Wasiirka Maaliyada Dowladda Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa shir jaraaid oo uu ku qabtay Qardho ka sheegay in lacagtaas ka timid dowladda dhexe.

Sidoo kale waxa uu sheegay in gargaar ay iska uruuriyeen dadka reer Puntland ee kunool magaalooyinka waa-weyn sida Boosaaso iyo Garoowe uu soo gaaray Qardho.

Ugu yaraan lix qof ayaa ku geeriyooday daadad ku dhuftay magaalada Qardho habeenimadii Isniinta, sida uu sheegay duqa Qardho Cabdi Siciid Cusmaan.

Sidoo kale biyaha ayaa burburshay guryo deegaan ah iyo xarumo ganacsi oo kuyaala magaalada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*