Gargaarka ayaa ah mid ay iska uruuriyeen dadka reer Puntland ee kunool magaalooyinka waa-weyn sida Boosaaso iyo Garoowe. Gargaar kale ayaa laga filayaa magaalooyinka kale.
Ugu yaraan lix qof ayaa ku geeriyooday daadad ku dhuftay magaalada Qardho habeenimadii Isniinta, sida uu sheegay duqa Qardho Cabdi Siciid Cusmaan.
Sidoo kale biyaha ayaa burburshay guryo deegaan ah iyo xarumo ganacsi oo kuyaala magaalada.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo shalay gaaray Qardho ayaa magacaabay guddi ka kooban wasiiro iyo ganacsato kuwaasoo hormuud u noqon doona dadaalada gargaarka Qardho.