Masuuliyiin Soomaali ah oo Kenya ay u diiday dal ku gal oo dib ugu soo noqday Muqdisho

Garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee Muqdisho. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Masuuliyiin katirsan dowladda federaalka Soomaaliya kuwaasoo ay Kenya u diiday dal ku galka ayaa maanta oo Talaado ah dib ugu soo noqday magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, sida ay wararku sheegayaan.

Isniintii, Kenya ayaa u diiday in ay siiso dal ku galka masuuliyiinta Soomaalida oo kala ahaa wasiirka biyaha iyo tamarta Cusmaan Libaax iyo labo xildhibaan oo kala ah Ilyaas Cali Xasan iyo Samsam Daahir.

Saddexda masuul oo watay baasaboorka diblomaasiga ah ee Soomaaliya ayaa rabay in ay magaalada Nairobi uga qeyb galaan shir Midowga Yurub uu halkaas ku qaban lahaa oo lagu casumay.

Saraakiisha garoonka Jomo Kenyatta ayaa masuuliyiinta Soomaalida u sheegay in ay dal ku galka ka soo qaataan safaaradda Kenya ay ku leedahay Muqdisho ka hor inta aysan imaan Kenya.

Dowladda federaalka Soomaaliya weli wax war ah kama soo saarin arrintan ka dhanka ah masuuliyiinteeda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*