Madaxweynaha Puntland oo safar aan la shaacin ku jooga Muqdisho

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni. [Sawir Hore]

Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa safar aan la shaacin ku jooga Muqdisho halkaas oo uu gaaray shalay oo Axad ahayd.

Madaxweynaha ayaa kulamo la leh madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu kamidyahay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, sida ilo-wareedyo ka agdhow arrintaas ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.

Arrimaha dhabta ee ay ka wada hadleen iyo ujeedka safarka madaxweyne Deni si dhab ah looma oga balse waxaa jira in kala aragti duwanaansho ka dhaxeysa labada madaxweyne ay soo if baxday asbuucyadii u dambeeyay.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa qorshuhu ahaa in horaanta December uu tago magaalada Boosaaso halkaas oo uu ku daahfuri lahaa mashaariic kaabayaasha dhaqaalaha ah sida dhammaystirka wejiga labaad ee garoonka Boosaaso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*