Baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya oo meelmariyay xeerka shidaalka

Baarlamaanka DFS. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah meelmariyay xeerka shidaalka.

150 xildhibaan ayaa meelmariyay sharciga, halka afar kale ay diideen, sida uu sheegay guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Shiikh.

Sharciga ayaa horey waxaa loo meelmariyay sanadkii 2008-dii, balse waxaa lagu sameeyay wax ka badal sababtoo ah baarlamaankaas waxa uu ahaa mid dowlad kumeel gaar ah.

Waxaa la filayaa in dabayaaqada sanadkan la soo bandhigi doono qandaraasyada shidaal barista Soomaaliya, sida ay sheegeen masuuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya.

Sharciga shidaalka ayaa waxa uu kamid ah arrimihii ugu muhiimsanaa ee looga hadlay shirkii Garoowe, balse hoggaamiyaasha dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa ku heshiin waayay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*