Nin qori ku hubaysan oo shan qof ku toogtay garoonka diyaaradaha Fort Lauderdale ee gobolka Florida ee Mareykanka

Abdirahman Abdullahi Sheikh
1 Min Read

_93301318_tv037133993
Dadkii ku dhaawacmay toogashada ayaa loo qaaday isbitaalka. [Xuquuqda Sawirka: AP]
Washington-(Puntland Mirror) Ugu yaraan shan qof ayaa lagu dilay toogasho uu geystay nin qori sida oo ka dhacday xalay oo Sabti soo galaysay garoonka diyaaradaha Fort Lauderdale ee gobolka Florida ee dalka Mareykanka, sida ay sheegeen saraakiisha.

Sideed qof oo kale ayaa dhaawacmay. Ninka qoriga watay oo la aaminsanyahay in uu ahaa askari muddo kasoo dagaalamayay dalka Ciraaq ayaa la xiray.

Senatorka laga soo doorto gobolka Florida, Bill Nelson ayaa warbaahinta Mareykanka u sheegay in la aqoonsaday ninka weerarka geystay oo la dhaho Esteban Santiago.

Ninka ayaa isku dhiibay booliiska markii ay ka dhammaatay rasaastii, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ahaa.

Fort Lauderdale ayaa ah garoonka ugu weyn ee ay adeegsadaan dalxiislayaasha taga magaalo xeebeedka Miami, waxaana lagu qiyaasaa ilaa 80,000-100,000 rakaab ah in ay maalin walba maraan.

Share This Article
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *