Axmed Diiriye oo 75-sanno jir ahaa, ayaa muddooyinkii u dambeeyay xanuunsanaa waxaana uu xalay ku geeriyooday isbitaalka Erdogan ee Muqdisho.
Axmed Diiriye ayaa aad loo bartay xilligii dowladdii federaalka ee Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, isaga oo kasoo horjeestay dowladdaas iyo ciidamaddii Itoobiya ee taageerayay.
Dowladdii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ayaa xirtay Axmed Diiriye dabayaaqadii sanadkii 2007.