Deeq bixiyeyaasha caalamiga oo diiday maalgelinta hanaanka dimuqraadiyeynta Puntland: Xog

Deeq bixiyeyaasha caalamiga oo diiday maalgelinta hanaanka dimuqraadiyeynta Puntland. [Sawirka:]
Garoowe-(Puntland Mirror) Deeq bixiyeyaasha caalamiga ah ayaa diiday maalgelinta hanaanka dimuqraadiyeynta Puntland, iyaga oo shaki geliyay macquulnimada “doorasho hal qof iyo hal cod ah” in ay dhacdo sanadka 2019, sida ay sheegeen ilo-wareed katirsan dowladda.

Ilo-wareed katirsan dowladda, oo codsaday in magaciisa la qariyo, ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in Guddiga Doorashooyinka Puntland aysan wax dhaqaale ah helin sanadihii dhawaa ee lasoo dhaafay kadib markii deeq bixiyeyaasha caalamiga ah ay diideen in ay maalgeliyaan hanaanka dimuqraadiyeynta.

“Guddiga Doorashooyinka Puntland wax dhaqaale ah ma aysan helin kadib markii deeq bixiyeyaasha ay shaki ka muujiyeen macquulnimada doorashooyin dimuqraadi ah in ay dhacaan sanadka 2019,” ilowareedka ayaa sidaa sheegay.

“Dhaqaale la’aanta ayaa curyaamisay shaqada guddiga, kuwaasoo wakhtigan aan waxba qaban”

Deeq bixiyaha ugu weyn ee caalamiga ah ee hanaanka dimuqraadiyeynta Puntland ayaa ahaaa Midowga Yurub.

Sanadkii 2013, Haayada Interpeace, oo ay maalgeliyeen, Midowga Yurub, ayaa isku dayay in ay doorashooyin dimuqraadi ah ka qabtaan Puntland. Si kasta oo ay ahaataba, hanaanka ayaa fashilmay kadib markii siyaasiyiinta ay ku eedeeyeen Madaxweynihii hore Cabdiraxmaan Faroole in uu awood u isticmaalayay si doorashooyin aan cadaalad ahayn uu u hirgeliyo si uu xukunka u sii joogo.

Madaxweynaha hadda jooga ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa balanqaaday markii uu ku jiray ololaha in uu qaban doono doorashooyin dimuqraadi ah sanadka 2019, balse waxa uu ku fashilmay sanadihii ugu horeeyay oo uu xafiiska joogay.

Horaantii sanadkii 2016, Madaxweyne Cabdiweli ayaa dhisay Guddiga Kumeelgaarka ah ee Doorashooyinka Puntland. Guddiga ayaa siyaasiyiinta Puntland ugu yeeray in ay sameystaan ururo siyaasadeed si ay uga qeybgalaan doorashooyinka 2019, balse ma ay jiraan wax ururo ah oo la diiwaangeliyay ilaa iyo hadda.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku guda jira sanadkiisii ugu dambeeyay ee xafiiska, 10 bilood oo keliya ayaa ka harsan mudadiisii, mana ay jiraan weli wax muujinaya dhaqdhaqaaq hanaan dimuqraadiyadeed.

Ilo-wareedyada ayaa aaminsan in Madaxweyne Cabdiweli uu ugu dambeyn ku dhawaaqi doono in doorashada soo socota ay noqoto nidaamkii hore ee duqa ahaa ee 66 xildhibaan ee baarlamaanka oo ay soo xulaan odayaasha dhaqanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*