Raysulwasaaraha Turkiga oo lagu casumay shir-weynaha Soomaalida ee London

Raysulwasaaraha dalka Turkiga Binali Yildirim. [Sawirka: Twitter]
London-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha dalka Turkiga Binali Yildirim ayaa lagu casumay in uu ka qeybgalo shir-weynaha Soomaalida ee London oo la qaban doono bisha May 10 ilaa 12-ka, sida ay ku warantay wakaalada wararka dowladda ee Anadolu.

Sida ay werisay Anadolu oo soo xiganaysa saraakiil katirsan dowladda Turkiga, Yildirim ayaa safar rasmi ah ku aadi doona magaalada London si uu uga qeybgalo shirka kaasoo looga xaajoon doono go’aanada mustaqbalka Soomaaliya.

Inta uu ku guda jiro safarkiisa, Raysulwasaaraha dalka Turkiga ayaa sidoo kale wadahadalo labo geesood ah ka qeybgalidoona iyo shirar saxaafadeedyo, sida ay ku warantay Anadolu.

Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibo caalami ah oo Turkigu kamidyahay ayaa qeybgali doona shirka si loo qorsheeyo saaxiibo caalami ah oo cusub oo gacan ka geysta nabada iyo barwaaqada Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa leh xiriir wanaagsan tan iyo sanadkii 2011-kii. Turkiga ayaa Soomaaliya siiyay caawimaad milatari, taageero waxbarasho, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo tababar xirfadeedyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*