Shirka maalgashiga Puntland oo galay maalintii labaad

Ka qeybgalayaasha shirka maalgashiga Puntland. [Isha Sawirka: Facebook]
Garoowe-(Puntland Mirror) Shirka maalgashiga Puntland ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Khuburo iyo ganacsato ayaa shirka ku soo bandhigi doona fursadaha maalgashi ee ka jira Puntland oo sanadkii 1998 noqotay dowlad goboleed taasoo ka badbaaday colaadihii sokeeye ee ka dhacay Soomaaliya.

Sabtidii, isaga oo ka hadlayay furitaanka shirka madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in dowladiisu ay soo dhaweynayso cid walba oo maalgashi ka sameynaysa deegaanada Puntland.

Deni ayaa sidoo kale sheegay si loo soo jiito maalgashi in uu ciribtiri doono maleeshiyooyinka argagixisada ah ee ku dhuumanaya meelo kuyaala Puntland, sida ay ka soo xigatay warbaahinta caalamiga ah Bloomberg ee ka faaloota ee arrimaha dhaqaalaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*