76-sanno jirka ayaa ka adkaaday ninka la loolamayay Atiku Abubakar, oo ahaa madaxweyne ku xigeen hore.
Atiku Abubakar oo katirsan xisbiga PDP ayaa qaadacay natiijada.
Dib u dhac iyo rabshado ayaa hareeyay doorashada balse ma jirto kormeere madax-banaan oo laga soo xigtay in doorashada la isdaba-mariyay.
Mr Buhari oo ka socda xisbiga APC ayaa ku adkaaday 19 gobol halka xisbiga mucaaradka ee PDP uu ku guuleystay 17 gobol iyo caasimada Abuja, sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka Nayjeeriya ee Inec.
Qaar katirsan taageerayaasha Buhari ayaa waddooyinka u soo baxay si ay u dabaaldegaan.