Madaxweyne Farmaajo oo gaaray dalka Qatar

Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo dhaweynayo garoonka diyaaradaha Doha. [Xigashada Sawirka: VillaSomalia/Facebook]
Doha-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Talaado ah gaaray magaalada Doha ee dalka Qatar.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Villa Soomaaliya, madaxweyne Farmaajo ayaa martiqaad ka helay Amiirka dowladda Qatar Shiikh Tamiim Bin Xamad Al Thaani.

Inta uu joogo Doha, Farmaajo ayaa kulan la yeelan doona masuuliyiinta sare ee Qatar, waxaana laga wada hadli doona xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii dowladaha Soomaaliya iyo Qatar isaga kaashan lahaayeen dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo horumarinta, sida lagu sheegay war-saxaafadeed.

Tan iyo markii uu xafiiska qabtay sanadkii 2017, Farmaajo ayaa dhowr safar ku tagay Qatar, oo uu saaxiib dhow la yahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*