Madaxweyne Xasan iyo Uhuru oo wadahadal ku yeeshay Nayroobi

Madaxweynaha Kiinya Uhuru Kenyata iyo dhigiisa Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa wadahadal labo geesood ah ku yeeshay aqalka madaxtooyada, Nayroobi.

Wadahadalka u dhaxeeya  labada Madaxweyne ayaa diirada lagu saaray go’aanka xirida xerada qaxootiga ee Dhadhaab, saamaynta sharciyada duulimaadyada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kiinya, iyo iskaashiga dhanka amaanka.

Madaxweyne Xasan oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kiinya ayaa booqday xerada qaxootiga Dhadhaab Isniintii, waxaana waheliyay saraakiil sare oo dowladiisa kamid ah.

Madaxweyne Xasan ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed oo booqda xerada qaxootiga Dhadhaab tan iyo intii ay jirtay oo ku dhow muddo labaatan sanno ah.

Labada Madaxweyne ayaa wadahadal labaad ku yeelan doona Arbacada aqalka madaxtooyada Kiinya.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*