Ugu yaraan afar qof oo lagu dilay qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho

car-bomb
Jajabka ka haray qaraxa gaariga oo ka dhacay Muqdisho, maanta oo Sabti ah 01, October, 2016. [Xuquuqda Sawirka: Radio Muqdisho]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhimatay shan kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax isbiimayn ahaa oo loo adeegsaday gaari oo lala beegsaday maqaaxi kutaala Muqdisho maanta oo Sabti ah, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Maqaaxida la weeraray oo la dhaho Blue Sky ayaa kutaala meel u dhow madaxtooyada Soomaaliya (Villa Soomaaliya).

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkaas, balse shakiga ayaa ku dhacaya kooxda hubaysan ee Al-Shabaab, taasoo sidaan oo kale u weerartay dhowr maqaaxi oo kale oo kuyaala Muqdisho.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*