30 siyaasi oo reer Puntland ah maxakamad ka dhan ah furista dastuurka u gudbiyay maxkamada sare

Siyaasiyiinta dacwada gudbiyay ayaa ku midaysan madasha siyaasadda Puntland. [Sawir Hore]

Garoowe-(Puntland Mirror) Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ayaa maanta dacwad ka dhan ah wax ka bedelka dastuurka u gudbiyay maxkamada sare.

Guuleed Saalax Bare, oo kamid ah siyaasiyiinta gudbisay gal dacwadeedka ayaa warbaahinta maxaliga ah u sheegay in dacwada ay gudbiyeen 30 siyaasi oo reer Puntland ah.

Waxa uu sheegay in maxkamada sare ay u xaqiijisay in ay geli doonto gal dacwadeedka ay siyaasiyiinta u gudbiyeen.

Baarlamaanka Puntland ayaa 20-kii June cod u qaaday wax ka bedelka dastuurka gaar ahaan qodobka xadidaya axsaabta, taasoo dhalisay isku dhac sababay dhimashada ilaa 25 qof oo ka dhacday Garoowe.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*