Boqortooyada Ingiriiska oo amartay xayiraada hantida 300 qof oo uu ku jiro Xasan Daahir Aweys

Xasan Daahir Aweys. [Sawir Hore]
London-(Puntland Mirror) Dowladda Boqortooyada Ingiriiska ayaa amartay xayiraada hantida 300 qof oo uu ku jiro Xasan Daahir Aweys, kaasoo kamid ah hoggaamiyaasha caanka ah ee kooxaha argagixisada ee ka dagaalama gudaha Soomaaliya.

Majalada The Financial oo fadhigeedu yahay Ingiriiska ayaa sheegtay in dadkaas xayiraada loo saaray xiriirka ay la leeyihiin ISIS iyo Al-Qaacida darteed.

Aweys ayaa xabsi guri la geliyay sanadkii 2014 markaas oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya qabatay kadib markii uu ka cararay maleeshiyada Al-Shabaab, oo uu muran soo dhexgalay isaga iyo hoggaamiyihii hore ee maleeshiyada Axmed Cabdi Godane, kaasoo isla sanadkaas lagu dilay duqeyn diyaaradaha Mareykanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*