Maxamed Aadan Cali oo la sheegay in uu katirsanyahay ururka Al-Shabaab uuna gacantiisa ku dilay Shiikha ayaa maxkamadu ku xukuntay dil toogasho ah, Gudoomiyaha Maxkamadda Darajadda Kowaad ee Ciidamadda Soomaaliya Gaashaanle Sare Xasan Nuur Cali Shuute ayaa iclaamiyay go’aanka ugu dambeeya ee maxakamada.
Labo nin oo kale oo la socday ninka dilka lagu xukumay markii uu Shiikha dilayay ayaa maxkamadu ku xukuntay xabsi.
Shiikh Maxamed Madeer ayaa intii lagu guda jiray bishaan barakaysan ee Ramadaanta lagu dilay masjid kuyaala gudaha Baydhabo xilli uu tukanayay salaada Taraawiixda.