Wefdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo yimid Garoowe

Wefdiga ayaa waxaa hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibada Axmed Ciise Cawad. [Isha Sawirka: Facebook]
Garoowe-(Puntland Mirror) Wefdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Jimcadii yimid magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Wefdiga ayaa waxaa kamid ahaa wasiirka arrimaha dibada, wasiirka beeraha, wasiirka kalluumeysiga, wasiirka shaqada iyo shaqaalaha iyo wasiir dowlaha maaliyada Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo sidoo kale xildhibaano katirsan aqalka hoose iyo aqalka sare kuwaasoo Puntland ku matala Dowladda Federaalka.

Ujeedka safarka wefdiga ayaa ah sidii ay uga qeybgali lahaayeen shirka wadatashiga Puntland oo beri oo Axad ah ka furmi doona magaalada Garoowe. Shirka ayaa waxaa iclaamiyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*